Muwaadin Soomaaliyeed oo u tartamaya golaha sharci dejinta gobalka Oregon (Daawo Sawirro)

Kayse Jaamac oo ah Soomaali Ameerikaan degan gobolka Oregon ee dalka Maraykan ayaa  u tartamaya in uu ka mid noqdo golaha sharci dejinta gobolka Oregon, waxa uuna ka tartamaaya degmada 24aad, Kayse waxaa kula tartamaaya kurisga Sen. Rod Monrea iyo  Shemia Fegan.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee heesta dhalashada dalka Mareykanka waxa uu tartan adag la gelli doonaa Monrea oo kursigan ku fadhiyay muddo aad iyo u fog iyo Shemai Fegan oo  gabar qareenad ah.

Kayse ayaa waxa uu heystaa taageero aad u badan oo kaga imaanaysa xagga shacabka maadaama uu aaminsanyahay oo muhiimadiisu ay tahay in shacabka helaan guryo ay ku noolaadaan oo ay awoodi karaan oo loo simanyahay, halka Monroe uu yahay milkiile ka ganacsada guryahay, ayaa waxa uu u ololeyay uuna ka meelmariyay aqalka hoose qodob ahaa in aan si aad ah loo xakamayn oo culeys la saarin arrinta guryaha oo ah mawduuca ugu weyn haatan degmada 24-aad balse markii dambe qodobkaasi(house bill 2004) uu ku dhintay aqalka sare kadib markii uu meel marin ka helli waayay.

Waxaa sidoo kale Sen. Monroe dacwad ka gudbiyay qof ka mid ah dadka uu guryahay ka kireeyay oo ku eedayay in uu wax ka qaban waaay saqafka guriga oo biyo soo daynaayay.

Kayse Jamac waxaa qorshayaashiisa ka mid ah in dadku ay xaq u leeyihiin in ay helaan goob la isku haleyn karo oo ay ku noolaan karaan awoodi karaan,si loo xaqiijiyo in dadka guryaha kirada ugu jiro ay u helaan awood la mid ah tan ay leeyihiin milkiilayaasha guryahah,  iyo in dhaqaale la gelliyo waxbarashada, sidoo kale waxaa Kayse qalbigiisa ka guuxaaya in wax muuqdo laga qabto badqabka dadweynaha.

“ Waan tartamayaa maxaa yeelay waxaan u baahannahay hoggaan cusub oo ay yeelato degmada 24aad, waxaan u baahanay hoggaan xigsanaaya dhanka dadweynaha Oregon ee sida adag u shaqeeya, fahmina kara caqabadaha heysta dadka danyarta ah, fursadna u siinaaya in ay qeyb ka noqdaan xalka caqabdaha jira.” Ayuu warbaahinta u sheegay Kayse.

Haddii Kayse uu ku guuleysto kursigan waxa uu noqonayaa qofkii tobanaad ee ka mid noqda golaha sharci dejinta Oregon ee ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badanyahay oo hadda ay ku jiraan sagaal xubnood oo ka soo jeeda dadka laga tirada badanyahay.

Kayse waxaa ku ayiday in uu yahay musharax u tartamaaya golaha sharci dejinta gobolka xubno dhowr ah oo uu ku jiro duqa magaalada Beaverton Denny Doyle iyo xubno kale oo bulshada magac iyo maamuus ku leh, Soomaalida degan degmada 24aad ayaa si weyn isugu dhiirigellinayaan in ay si weyn uga qeybqaataan doorshadan si loo taageero Kayse iyagoo isku guubaabinaayo in ay codeyso cid walba oo xaq u leh in ay codayso oo degan degmada 24aad, anagana Kayse waxaan u rajeynaynaa guul.

Abdifatah Abdurahman
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -